Modern Hospital Established in Burtinle

Waxaa maanta magalaada Buurtinle si rasmi ah looga xarig jaray Cisbitaalka weyn ee Degmada, kaas oo muddo kudhow Lix sano socotay Dib-u-dhiskiisa iyo casriyeyntiisu.

Waxaa Isbitaalka xarig jaray wasiirka wasaarada Caafimaadka Puntland Mudane Jaamac Faarax oo uu weheliyo Gudoomiyaha Degmada Mudane Axmed Cabdirisaaq Cali (Dheereye), madaxda ugu sareysa Hay’adda Unicef oo dib-u-dhiska Cisbitaalka maalgalisay iyo sidoo kale mas’uuliyiinta shirkada Kulmiye Construction oo ah shirkada fulisay dhismaha.
Cisbitaalka cusub ee la xarig jaray ayaa ah mid u qalabaysan si casri ah, wuxuuna ka kooban yahay in kudhow Sideetan Qol, kaas oo loogu talagalay inuu daboolo baahida caafimaad ee bulshada Degmada Buurtinle iyo Gobalka Nugaal.

Ugu dambayn Gudoomiyaha Degmada ayaa u mahadceshay dhamaan cid walba oo ka qayb qaadatay dhismaha Cisbitaalka oo ugu horeyso Hay’adda Unicef iyo Shirkada Dhismaha Kulmiye oo kaalinteeda ka soo baxday, waxuuna kula dardaarmay Maamulka Cisbitaalka, Shaqaalaha iyo dhamaan Dadweynaha reer Buurtinle muhiimada ay lee dahay in la ilaashado hantida Danta guud ee Degmadu lee dahay oo Cisbitaalkan cusub iyo xarumaha kale ee Dowliga ah ka mid yihiin.